WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Wararkii ugu danbeeyay Duqeyn xooggan oo ka socota Laascaanood

Waxaa maalintii saddexaad oo xiriir ah uu dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidanka kacdoonka deegaanka iyo ciidamada Maamulka Somaliland uu ka socdaa magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay soo sheegayaan in ciidanka Somaliland ay maalintii saddexaad duqeymo culus ku garaacayaan Isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood, masaajida magaalada iyo guryo ay degan yihiin dad shacab ah.

Khasaaro baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo soo gaaray dad shacabka iyo dhinacyada dagaalamaya, waxaana dagaalka ku dhintay in ka badan 40 qof, halka dad kale oo aad u badan ay dhaawacyo soo gaareen.

Ciidanka Somaliland ayaa ku guuldareystay inay soo galaan Laascaanood, iyagoona iska caabin xooggan ay kala kulmeen dadka deegaanka ee hubka qaatay, kuwaasi oo jab xoog leh gaarsiiyay ciidankii maamulka Somaliland ee weerarka soo qaaday.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXIN KU SAABSAN DAGAALKA

DAAWO: Wararkii ugu danbeeyay Duqeyn xooggan oo ka socota Laascaanood
To Top