WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wararkii ugu danbeeyay Dad badan oo ku dhintay Qarax ka dhacay Baladweyne

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Is-miidaamin ah oo duhurnimadii Maanta ka dhacay mayaaqad ku taalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyey maqaayada Xasan Dhiif oo ku sugnaayeen dad farabadan, xilii uu qaraxu dhacaayay, iyadoona dadka goobta fadhiyey ku jiray Mas’uuliyiin iyo Xildhibaano.

Inta la xaqiijiyay ku dhowaad 18 qof ayaa ku dhintay qaraxa Is-miidaaminta ahaa, halka labaatameeyo kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo qaarkood gacanta lagu geeyay Isbitaalka weyn Baladweyne oo Maanta mashquul badan uu ka jiro.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Guddoomiye ku-xigeenkii Maamulka iyo maareeynta Gobolka Hiiraan Cabdirashiid Sheekh Cali, Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada Baladweyne Cabdiraxaam Maxamed Xuseen, Musharax Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Abtiyow iyo Musharax Xildhibaan Dayab Qanyare Ibraahim.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Wararkii ugu danbeeyay Dad badan oo ku dhintay Qarax ka dhacay Baladweyne
To Top