Qarax Is-miidaamin ah uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa barqadii maanta lala beegsaday gaari uu la socday Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu.
Weerarkan Is-miidaaminta ah ayaa Afhayeenka Xukuumadda waxaa kasoo gaaray dhaawac, waxaana xaalada caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu lagula tacaalayaa isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Maamulka Isbitaalka Digfeer ayaa laga soo xigtay in xaaladda Caafimaad ee Afhayeen Macalimuu ay tahay mid wanaagsan, isla markaana dhaawac soo gaaray uu yahay mid fudud oo aan halis aheyn.
Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in afhayeenka xukuumadda dhaawac fudud kasoo gaaray weerar lala beegsaday, waxaana Xukuumadda sheegtay in dhaawac Macalimuu uu fudud yahay.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA