Waxaa Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga la geeyay Dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo Maalin ka hor lagula beegsaday Gaari uu watay Magaalada Muqdisho.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkey, Ambassador Jaamac Ceydiid, Wariyeyaal iyo Xubno kale ayaa kusoo dhawaeeyay Dhaawaca Macalimuu ayaa garoonka diyaaradaha Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkey, Ambassador Jaamac Ceydiid ayaa sheegay in dhaawaca Mocalimuu la dhigay Isbitaal Weyn oo dowladda Turkiga leedahay, halkaas oo uu ka shaqeeyo Walaalkiis ka yar iyo dhaqaatiir kale oo waaweyn.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dhaawaca Macalimu uu la socday darawalkiisa oo isagana dhaawac qaba balse la kala geeyay laba Isbitaal, wuxuuna xaqiijiyay in xaaladda Caafimaad ee Macalimuu ay tahay mid aad u wanaagsan.