WARARKA SOOMAALI

DAAWO: War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Culimada ee kusoo Idlaaday Muqdisho

Shirweynihii Culimada Soomaaliyeed ee ka socday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa galabta lasoo gaba-gabeeyay, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in culimada ay isku raaceen in Al-shabaab, Daacish, Shiicada iyo kooxaha la midka ah ay yihiin kooxo habawsan oo ah cadowga dinta
Islaamka ivo Ummadda Soomaaliyeed.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa  cod mideysan ugu sheegay Ummadda Soomaaliyeed in Kooxda Al-shabaab yo Daacish ay yihiin dembiileyaal Khawaarij ah oo qofkii ka dhintaa u dhiiggiisu qiimo laheyn (hadur yahay).

“Qofkii la dagaallama ama ku dhinta dagaalka lagu jiro Khawaarijta waa shahid loo rajeynayo in u soo galo dadkii u Rasuulkeenna, naxariis iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee, uu ku sheegay in ay Janno u sugnaatay” ayaa lagu yiri Warka laga soo saaray Shirweynaha.

Sidoo kale culimada ayaa isku raacay in la macaamilka kooxda Al-shabaab nooc kasta sida garsoor u doonasho iyo in la qariyo qof iyaga ka mid ah, uu xaaraan yahay kana soo horjeedo dhaqanka suuban ee diinta na fartay.

HALKAAN KA DAAWO WAR-MURTIYEEDKA

DAAWO: War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Culimada ee kusoo Idlaaday Muqdisho
To Top