Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa manta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland
Wafdiga guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federal waxaa Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddigga hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee Jubbaland iyo xubno kale oo Guddiga ka tirsan.
Ujeedada ugu wayn ee Socdaalka Gudoomiyaha Guddiga FEIT iyo xubnaha kale ee la socda ayaa ah sidii uu xog-ogaal uga noqon lahaa doorashada Kuraasta lixda ah ee ay xalay shaaciyeen SEIT Jubbaland iyo sidii uu kulamo kala duwan oo lagu dardargalinayo howlaha shaqo ee doorashooyinka ula qaadan lahaa xubnaha Guddiga SEIT Jubbaland.
Gudoomiyaha Guddigga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee heer dowlad Goboleed ee Jubbaland DR Siyaad Maxamed Mursal oo ugu horayn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In xili muhiim ah uu yimid gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee socdaalkiisa ku weheliya.