WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Taliye Xijaar oo tababar u soo xiray Ciidamo cusub oo kamid noqonaya…

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar  iyo wafdi saraakiil ah uu hoggaaminaayey ayaa Dalka Jabuuti tababar ugu soo xiray Dufcadddii 15-aad ee Ciidanka daraawiishta Booliska.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Jabuuti ayay Ciidamada ku soo bandhigeen gaado ka cayaar iyo dhoolatus ku saabsan tababarka ay qaateen, iyagoo bixiyay salaam Sharaf.

Taliyaha Ciidanka Bpoliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa kula dardaarmay Booliska tababarka loo soo xiray inay isu diyaariyaan difaacidda Qaranka, ayna ka hortagaan cidkasta oo wax u dhimeysa Qaranimada Soomaaliya.

Sidoo kale Jeneraal Xijaar ayaa u mahadceliyay Saraakiisha tababarka siisay Ciidamada Booliska ee uu tababarka u soo xiray, wuxuuna tilmaamay in tababarka la siiyay Ciidanka uu yahay mid ay ku kalsoon yihiin, ayna ku boggaadinayaan Jabuuti tallaabadaas.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Taliye Xijaar oo tababar u soo xiray Ciidamo cusub oo kamid noqonaya…
To Top