WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Taliye Odawaa oo shaaciyay in Ciidanka Xoogga ay gaareen horumaro waaweyn

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage oo khudbad ka jeedinayay munaasabad loogu dabaaldegayay 62 sano guuradii kasoo wareegtay Aas’aaska Ciidanka xoogga dalka ee ka socoto Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka hadlay marxaladaha uu soo maray ciidanka oo waxa uu hiigsanayo.

Taliye Odawaa waxaa uu sheegay in Ciidamada ay soo mareen marxalado kala duwan, isla markaana Maalinba meel uu joogay, hayeeshee haatan ay yihiin kuwo gaaray horumar kala duwan oo u suurto gelinaya inay sugaan Amniga Guud ee dalka.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage waxaa uu sheegay in haatan ciidamada ay ku sugnaa dib u habeyn ballaaran ayna jiraan dowladdo gacan weyn ka siinaya dowladda Federaalka, kuwaas oo uu u mahad celiyay.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaan la qaban dabaaldaga Munaasabadaha Aas’aaska Ciianka xoogga dalka , balse sanadkaan la qabtay, waxaana Taliyaha ciidanka xoogga uu ku sheegay sababta loo qaban waayay inay tahay Cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

HALKAAN KA DAAWO KHUDBADA TALIYAHA

DAAWO: Taliye Odawaa oo shaaciyay in Ciidanka Xoogga ay gaareen horumaro waaweyn
To Top