WARARKA SOOMAALI

DAAWO: RW Xamse oo ka hadlay Dagaalka khasaaraha dhaliyey ee Garoowe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday isku dhacyadii maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Gobolleedka Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha oo iska soo duubay muuqaal kooban ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay wax kasta oo la isku hayo lagu xalliyo jidka wadahadalka iyo is fahamka.

“Waxaan ku baaqayaa in wax kasta laga wadahadlo, waxaan hubaa in jidkaas uu ka natiijo fiican yahay gacan ka hadalka, Soomaali xiiso uma qabto xabad la isku rido,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha XFS.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa wuxuu carrabka ku sii adkeeyey in Puntland ay ku asteysan tahay nabadda Soomaaliya, balse dagaalka maanta uu bixinayo macne aan qurxooneyn.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Ku dhowaad 20 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 kalena way ku dhaawacmeen Dagaalo maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ku dhexmaray ciidamada Maamulka iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

DAAWO: RW Xamse oo ka hadlay Dagaalka khasaaraha dhaliyey ee Garoowe
To Top