WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo sheegay in Doorashada lagu haayo carqalad lana doonayo…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya kaliya looga gudbi karo in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in  is jiidjiidka doorashada ay sababeen hoos u dhac ku yimid Ganacsiga dalka, wuxuuna sicad u sheegay in doorashada kadib waxkasta ay sidooda kusoo laaban doonaan.

“Meesha loo socdo waa doorashada in la carqaladeeyo, cadaaladda waa ay naga go’an tahay hufnaanta doorashada waa muhiim cid kasta oo caqabad u aragta cadaalada aan wadno, iskuna daydo inay xumeyso doorashada kama yeeleyno”ayuu yiri Rooble oo aan sheegin cida carqalada ku heyso doorashada.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay in dalka doorasho ka dhacdo, sidoo kalena ay jiraan dad doonaya inay doorashada hakiyaan oo qorsho kale ka dhex raadinaya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-RW Rooble oo sheegay in Doorashada lagu haayo carqalad lana doonayo…
To Top