WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo kulan Deg-deg ah isugu yeeray Saraakiisha Ciidamada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo Arbaco ah kulan deg deg ah isugu yeeray Hay’addaha kala duwan ee ammaanka dowladda Federaalka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga dalka iyo weeraradii khasaaraha dhaliyey ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Saldhiga degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Saraakiisha Booliska dowladda ka dhageystay Warbixino ku aadan xaaladda amniga Caasimadda iyo qorshaha lagu xoojin karo ammaanka, xili falal amni darro ay maalmihii dambe kusoo bateen Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray hay’adaha amniga in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga, isla markaana la xoojiyo sugida amniga Caasimadda.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALO 

DAAWO:-RW Rooble oo kulan Deg-deg ah isugu yeeray Saraakiisha Ciidamada
To Top