Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo sabti ah daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo Gobollada dalka
Imtixaankan oo ay u fariisteen arday tiradoodu gaarayso 35,000 (Soddon iyo Shan kun) oo arday, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka daah-furay Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha aya waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo Imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo waqti badan la galiyey.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
