Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku dhaawacmay qarax lala beegsaday.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheekeystay Afhayeen Macallimuu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, kana soo fiicnaaneyso sidii hore, isla markaana waxaa uu Alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah ah.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta daweyneysa Afhayeenka Xukuumadda, iyagoo uga warbixiyey sida ay tahay xaaladda Caafimaad ee Macalimuu.
Warar la helayo ayaa sheegaya in dhaawaca Macalimuu Maanta loo qaadi doono dalka Turkiga, si xaaladdiisa Caafimaad loogu soo dabiibo, waxaana la sheegay inuu Macalinka ka jabay lug, sidoo kalena dhaawac iyo jug xoog leh ka gaaray gacanta.