WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Qarax xooggan oo Maanta Gilgilay Baladweyne & Khasaaraha

Qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa duhurnimadii Maanta ka dhacay bar kontorool oo ahayd meel aad u mashquul badan oo ku taalla magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo ahaa mid xoog leh oo jugtiisa siweyn looga maqlay xaafadaha Baladweyne, Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa ayaa muujinayay baaxada khasaaraha uu geystay.

Illaa tobaneeyo ruux ayaa la sheegayaa in ay ku geerodeen halka dhaawacana la sheegay in uu kor u dhaafayo labaatan ruux. Qaraxaan ayaa waxyelleeyay dhismeyaal ganacsi oo aagga ka dhowaa iyadoo la tilmaamay in uu saameeyn ku yeeshay qaar kamida guryihii agagaarka halka uu weerarku ka dhacay.

Baledweyne waa magaalada labaad ee kooxda Shabaab ka fuliso qaraxyada Ismiidaaminta ah ee ugu khasaaraha badan marka laga reebo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA QARAXA 

DAAWO: Qarax xooggan oo Maanta Gilgilay Baladweyne & Khasaaraha
To Top