WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Puntland oo ku dhawaaqday Xabbad joojin, kadib Dagaal culus oo…

Dowlad Goboleedka  Puntland ayaa aqbashay xabad joojin ka dhaqan gasha magaalada Boosaaso, kadib dagaal xoogan oo dhiig badan ku daatay oo shalay iyo maanta ka dhacay qeybo kamid ahy magaalada Boosaaso.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo Warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa sheegay in diyaar u yihiin xabad joojinta ay ku baaqeen Isimada iyo ganacsatada Puntland.

Waxa uu sheegay Wasiir Gallan in maleeshiyaad ka amar qaata taliyihii xilka laga qaaday ee ciidanka PSF ay weerar kusoo qaadeen ciidamada Puntland, waxa uuna masuuliyada khasaarihii ka dhashay dagaalka dusha uga tuuray Maxamuud Diyaano iyo ciidankiisa.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in awoodaan inay meesha ka saaraan dhinaca kasoo horjeeda ayna heystaan hub badan oo lagu soo afjari karo, balse ay u turayaan Shacabka Boosaaso oo ay kasoo horjeedaan in dushooda lagu dagaalamo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Puntland oo ku dhawaaqday Xabbad joojin, kadib Dagaal culus oo…
To Top