WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Puntland oo joojisay Madal uu ka qeyb geli lahaa Guddoomiye Maxamed Cirro

Maamulka Puntland ayaa joojiyey xalay madal uu ku casuunaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Federaalka, Maxamed Xassan Cirro oo Magaalada Garoowe ku sugan sida ay sheegtey Idaacadda Daljir oo barnaamijkan qabanaysay.

Wasiiro ka tirsan Puntland ayaa ku sugnaa madasha, markii uu maamulku soo saaray amarka joojinta. Masuul ka tirsan Idaacada Daljir ayaa ka soo qeyb galayaasha ka raali geliyey baaqashada barnaamijkan oo ahaa mid dood iyo su’aalo weydiin iskugu jiray.

Maxamed Welcome oo kamid ah Mas’uuliyiinta Daljir ayaa sababta loo baajiyey Barnaamijka ku sheegay inay tahay in Puntland ay u aragtay madasha mid siyaasadeed oo kasoo horjeeda iyaga, balse taas aysan aheyn oo u yahay mid iska caadi ah.

Sidoo kale Maxamed Welcome ayaa Carabka ku dhuftay inay ka xun yihiin baaqashada Barnaamijka ka dhici lahaa Garoowe, isagoo xusay inay u hoggaansamayaan amarka, isla markaana raaligelin siiyay dadkii goobta tegay…

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Puntland oo joojisay Madal uu ka qeyb geli lahaa Guddoomiye Maxamed Cirro
To Top