WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-MW Lafta-gareen “Ra’iisul Wasaaraha ayaa Isbaaro u dhigtay Xildhibaanada”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo ka furay Shirka Wadatashiga  Arimaha Doorashooyinka, waxaa shirkan ka qeyb galaya Xildhibaanada laga soo doortay KGS.

Shirkaan Maanta ka furmay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha doorashooyinka iyo Go’aan ka gaarista kuraasta Guddiga doorashooyinka heer Federaal ka hakiyeen Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa Xildhibaanada kulan ka qeyb galay kula dardaarmay inay muujiyaan isku duubni ku aadan Midnimada iyo Wadajirka Koonfur Galbeed, isla markaana ay wadashaqeyn yeeshaan Xildhibaanada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulanka ka hadlaayay ayaa yiri “20 jirkeygii ayaa diidey oo ka hor imid isbaaro qori wadato, maanta anigoo 50 jir ah oo la joogo 2022 ahayna Madaxweynaha KG wallaahi aanan aqbaleynin isbaaro”.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay inuu Isbaaro u dhigtay Xildhibaano laga soo doortay Koonfur Galbeed, taasian aysan aqbali doonin.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-MW Lafta-gareen “Ra’iisul Wasaaraha ayaa Isbaaro u dhigtay Xildhibaanada”
To Top