Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey garab istaaga ay u muujiyeen shacabka Somaliland ee ku hanti belay suuqa Waaheen.
Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkaas ka sheegay kulan ay Ganacsatada Somaliland xalay ku uruuriyeen lacag loogu tala-galay gurmadka Suuqii Waaheen.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu sheegay in ay khadka taleefanka uga tacsiyadeeyeen dhibaatadii gaartay Shacabka Somaliland oo hantidoodii ku waayey dabkii dhowaan qabsaday Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya dhaqaalo ay ku taageertay dadaalka lagu doonayo in dib u dhis loogu sameeyo suuqa magaalada Hargeysa.
Suuqa ugu weyn ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka kacay dab xoogan oo baabi’iyey gebi ahaan Suuqa, isla markaana ay ku hanti beeleen boqolaal Ganacsato ah, sidoo kalena ay Suuqa Waaheen ku gubatay lacag gaareysa 2 Bilyan oo Dollar.