Golaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha oo soo saaray War-saxafadeed ayaa shaaciyay in ay qaban donaan Shirweyne Wadatashi oo ay kasoo qayb geli doonaan dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.
War-Saxaafadeedka Golaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la magacaabi doono 2 guddi, kuwaasi oo kala ah Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha iyo Guddiga Amniga Shirweynaha.
Golaha ayaa caddeeyay in aysan jirin cid iska xil saartay joojinta boobka doorashada Golaha Shacabka iyo taaba-gelinta tallooyinka lagu saxayo, sidoo kalena Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada aysan dan ka laheyn doorasho daahfuran oo dhacda.
Midowga Musharaxiinta ayaa tilmaamay inay magacaabayaan Guddiga qaban-qaabada Shirweyne Wadatashi ah iyo Guddiga amniga Shirkaas, in kastoo aan la shaacin waqtiga la qabanayo iyo halka uu ka dhacayo.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
