WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Maxkamadda G/Banaadir oo xukuno culus ku riday 36 Ajaanib ah

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 36 dambiile oo ajaanib ah lagana soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya, iyaga si sharci darro ah uga kalluumeysanaya ku ridday xukunnadii ay muteysteen, kadib markii lasoo gaba-gabeeyay dhageysiga dacwada..

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud ayaa ku dhowaaqay xukunka kiiska loo heystay raggan ajaaniibta ah oo muddo si sharci darro ah kaga Kalluumeysanayay badaha Soomaaliya.

Kalluumaysatadan ayaa ah 36 qof oo isugu jira 33 u dhashay Iran iyo 3 u dhalatay Pakistan. Waxaa iyaga iyo labada doonyood oo ay wateen la qabtay bishii April ee sannadkan iyagoo ka kalluumaysanaya biyaha Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay inay bixiyaan midkiiba lacag 11 kun oo dollar oo ganaax ah, 30 kun oo dollar oo magdhow kalluunkii ay Soomaaliya ka qaateen ah, doomahii iyo qalabkii kalluumeysi ee saarnaa iyo sidoo kale kalluuunkii lagu soo qabtay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Maxkamadda G/Banaadir oo xukuno culus ku riday 36 Ajaanib ah
To Top