WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Maxkamadda G/Banaadir oo wax dembi ah lagu waayay Koofi & mas’uuliyiin kale

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqday Go’aanka dacwad loo heysto masuuliyiin ka soo shaqeysay qaar kamid ah hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta oo ay socotay Maxkamadeyntooda ayaa ku eedeysan kiisas musuq maasuq ah, masuuliyiintaas oo gaareysa 12 qof waxaa kamid ah agaasimayaashii hore ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi iyo xubno kale.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta wax dambi ah ku weyday, isla markaana bari-yeeshay Agaasimayaashii hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi iyo C/qaadir Cali Cilmi (Cabdul).

Sidoo kale Maxkamadda ayaa wax dembi ah ku weyday Agaasimihii hore ee Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Muxyadiin Xasan Jurus.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO: Maxkamadda G/Banaadir oo wax dembi ah lagu waayay Koofi & mas’uuliyiin kale
To Top