WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal Arrin Digniin culus kasoo saaray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qaraarkii ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda ee la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay ka hadlaayay masaajidka Madaxtooyada salaadihii jicmaha kadib ayaa waxa uu sheegay in tallaabo adag oo sharci ah laga qaadayo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Federaalka ee ku kaca xatooyo dadweyne.

Madaxweynaha dowladda ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in qof loo soo xiray arrimo musqu-maasuq lasoo daba kaco oo la dalbaday in qofkaas lasii daayo, wuxuuna carabka ku dhuftay Madaxweynaha inay si adag uga dagaalami doonaan musuqa.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay toos warbaahinta ugala socondoonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in caqabadaha jira ee dowladnimada Soomaaliya ka kori la’dahay ay qeyb ka tahay in nabadoonada ama madaxda qaar ay keensadaan qof aysan aqoon shaqsiyadiisa, kaliya ay boos ula rabaan inuu ku qabiil yahay keliya.

 

DAAWO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal Arrin Digniin culus kasoo saaray
To Top