WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Digniin culus kasoo saartay Isbaarooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Cadale  ayaa taageeray baaq nabadeed oo ay soo saareen culumada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada kaasi oo adkeynaya  heshiisiinta bulashada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo  dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha oo dul istaagay muhiimadda in la xoojiyo nabadda, horumarka deegaanka iyo dib u heshiisiinta bulshada ayaa hoosta ka xarriiqay in aan la aqbalin karin in jidgooyo sharci-darro ah la dhigto deeganada gobolka isla markaana lagu dhibaateeyo muwaadiniinta safarka ah, isaga oo faray laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka in ay u midoobaan qofkasta oo lagu helo in uu caqabad ku yahay wada noolaashaha iyo xasilloonida.

Madaxweynaha ayaa xusay in duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ay udub dhexaad u yihiin hiigsiga Soomaali heshiis iyo jiheynta bulshada, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan isku xirka bulshada iyo in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo halka cadaw ee Soomaaliya ay leedahay ee ah Al-shabaab.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Digniin culus kasoo saartay Isbaarooyinka
To Top