WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Madaxweyne Lafta-gareen oo War kasoo saartay Qaraxii lagu dilay Waafoow

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa si kulul uga hadlay qarixii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay magaalada marka, kaas oo lagu dilay Guddoomiyihii degmadaas Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow.

Madaxweynaha ayaa Ehelka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Guddoomiyihii degmadaas Cabdullaahi Cali Axmed Waafoow, isaga oo sheegay uu Waafoow uu ahaa nin dadkiisa iyo Maamulkiisa si wanaagsan ugu Shaqeeynayay.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab oo ka dambeeyay qaraxaas dhibaatada ay ku hayaan Shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda aysan aheyn mid la soo koobi karo, isla markaana ay bartilmaameed sanayaan dadka waxgalka ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Ururka Al-Shabaab oo uu ku eedeeyay inay yihiin kuwo si joogta ah u beegsada Shacabka iyo mas’uuliyiintooda.

 

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Madaxweyne Lafta-gareen oo War kasoo saartay Qaraxii lagu dilay Waafoow
To Top