WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay Bisha Ramadaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka muslimiinta ah, gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed bilshada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay fadliga Bishan barakeysan iyo maalmahan xurmada badan, waxa uuna Alle ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalka iyo dalka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ugu baaqay inay xoojiyaan caawimaada iyo garab istaaga ay u sameeynayaan dadka Abaarta saameynta ballaaran ku yeelatay sanadkaan iyo qoysaska danta yar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa faray hay’addaha amniga dowladda Federaalka inay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan falalka amni darro ee dalka ka dhaca, wuxuuna shacabka ka Codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka  Soomaaliyeed iyo Ummadda Islaamka ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo ku baaqay in la caawiyo dan yarta iyo dadka tabaaleysan ee abaartu hayso.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay Bisha Ramadaan
To Top