WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad muhiim ah u jeediyay Ciidanka Xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qayb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 62-Aad ee Aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhamman Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo ay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku soo bandhigeen dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyey waxa uu ka warramay muuhiimadda ay leedahay xuska 12-ka Abriil, taariikhda iyo mabaadi’da uu u aasaasan yahay Ciidankeenna geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka warbixiyey dadaalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay dib-u-dhiska Ciidanka, joogtaynta xuquuqdiisa iyo soo celinta haybaddii uu lahaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhammaan laga wada qayb qaato dadaallada dib-u-dhiska ciidanka iyo xoraynta dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ciidan Xoogga Dalka Soomaaliyeed xaqiijinta amniga dalka, difaaca Xuduudaha dalka iyo  hawlgallada ka dhanka ah argagixisada caadeysatay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u duceeyey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiidday iyo kuwii u dhaawacmay difaaca dalka iyo ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed.

 

HALKAAN KA DAAWO KHUDBADA FARMAAJO

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad muhiim ah u jeediyay Ciidanka Xoogga dalka
To Top