WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweyne Farmaajo oo Digniin kasoo saaray Doorashada dalka

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey 78 guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay doorashada dalka ee uu ka jiro is jiid-jiid badan.

Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay in muranka ka jiro doorashada dadban looga gudbi karo oo kaliya in la is qanciyo oo la wadashaqeeyo, xili uu xusay inuu jeclaan lahaa in shacabka ay wax doortaan, balse taasi aysan dhicin oo uu dalku aaday doorasho dadban.

Wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada ay doorashada ka qabteen shaqo wanaagsan, isagoo qiray inay iska jiraan duruufo dhaqaale iyo kuwo kale oo ku hor gudan doorashada dalka.

Farmaajo ayaa tilmaamay in heshiiskii 17-September ee doorashada uu yahay mid sharci ah, isla markaana uu saxiixay isaga, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in aan waxa laga bedelin heshiiskaas, isla markaana si wixii la isku qabtay lagu saxo si wadashaqeyn ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Madaxweyne Farmaajo oo Digniin kasoo saaray Doorashada dalka
To Top