WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Mareykanka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda Congress-ka Mareykanka oo safar ku tegay Somaliland.

Kulanka ayaa waxaa lagaga wada hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya labada dhinac, arrimaha nabadgelyada mandaqadda, horumarinta Dimuquraaddiyadda, deggenaashaha gobolka geeska Afrika iyo arrimaha siyaasadda.

Dhinacooda, xubnaha weftigu waxay madaxweynaha iyo shacabka Somaliland uga mahadnaqeen soo dhaweynta loo sameeyay, iyagoo ballan qaaday inay warbixin buuxda oo la xiriirka horumarka iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta Somaliland ay geyn doonaan, Congress-ka Maraykanka ee ay metelayaan.

Waftigan oo maalintii shalay gaaray Hargeysa, ayaa waxaa ay kulamo muhiima oo gaar-gaar ah la yeesheen, xubno ka mida labada gole ee guurtida iyo wakiillada, ururada haweenka, iyagoo kulan kalena maanta la qaatay Wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Gudaha ee dhinaca amniga.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Mareykanka
To Top