WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweynaha Puntland oo weerar Afka ku qaaday Saraakiisha PSF-ta

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weerar afka ku qaaday Saraakiisha Ciidamada PSF-ta Puntland oo maalmahan kala dhexeeyo khilaaf ka dhashay xilka qaadistii uu ku sameeyay Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in dalkan uu yeelanayo Ciidan balse uusan yeelaneyn Ciidan rag leeyihiin, hadalkaas oo u muuqda mid uu ku durayo Saraakiisha Ciidamada PSF-ta Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in laga daba tagayo wixii qaldan si loo saxo balse aysan aqbaleyn dowlado isku dhexjira iyo dakhli dad gaar ah iska aruursadaan taasina ay ka hortageen, isla markaana Ciidamo rag gaar ah leeyihiin soo geba-gabeynteeda ay socoto.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni in talada uu kusoo celiyay Bulshada kunool degaannada Puntland si ay Madaxdooda qof iyo cod ugu doortaan.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA 

DAAWO:-Madaxweynaha Puntland oo weerar Afka ku qaaday Saraakiisha PSF-ta
To Top