WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Madaxtooyada oo ka hadashay xaaladda Caafimaad ee MW Xasan Sheekh

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, toddobaadka xorriyadda iyo gurmadka abaaraha.

Afhayeenka oo shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay gudaha madaxtooyada ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku dhacay cudurka COVID-19 ay tahay mid wanaagsan, isla markaana tan iyo markii laga helay uusan jirin wax saameyn muuqato ah oo uu ku yeeshay caafimaadkiisa.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in uu Madaxweynaha si cadi ah u wato howlihiisa, isaga oo raacaya talooyinka iyo habraacad caafimaad oo ay dejiyeen Bahada Caafimaadka, kuwaas oo la xiriira tallooyinka cudurka COVID-19.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar wuxuu sheegay in Maalinta Berito ah Madaxweynaha laga qaadi doono baaritaan caafimaad si loo hubiyo xaaladiisa caafimaada maadaama muddo dhowr maalmood ah ay kasoo wareegatay markii laga helay cudurka COVID-19.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Madaxtooyada oo ka hadashay xaaladda Caafimaad ee MW Xasan Sheekh
To Top