WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-KGS oo ku dhawaaqday inay joojisay wadashaqeyntii RW Rooble

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday inay xiriirkii wadashaqeynta Arrimaha doorashooyinka ee kala dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ay joojisay.

War-saxaafadeed saqdii dhexe ee xalay kasoo baxay Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in go’aanka kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah oo baal marsan go’aannadii iyo heshiisyadii wadar-ogolka ahaa ee ay dajisay Madasha Wadatashiga Qaranka.

Maamulka ayaa caddeeyay in aysan marnaba ma aqbali doonin damaca shakhsiga ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble oo muddooyinkii u dambeeyay xadgudub joogta ah ku hayay madax bannaanida Guddiyada Doorashooyinka.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka la wadaagtay in laga bilaabo xilliga ay warqaddan soo baxday ay joojisay wadashaqeyntii kala dhaxaysay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha doorashooyinka,

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-KGS oo ku dhawaaqday inay joojisay wadashaqeyntii RW Rooble
To Top