Waxaa Magaalada Muqdisho Maanta soo gaaray Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo siweyn uga soo horjeeday habka loo dhisay Maamulka Hir-Shabeelle oo uu wehlinayay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Janeraal Maxamed Warsame Tahliil Biixi iyo Saraakiil kale.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka iyo xubno kale, waxaana safarkiisa Muqdisho ay ka dambeeysay kadib wada-hadallo is afgarad ah oo dhexmaray Janaraal Xuud iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka.
Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in ay u tanaasuleen dadka Qaranka iyo in uusan burburin maadaama lacag Qaranka uu bixiyay ay wax ku barteen diyaarna u aheyn in dhibaato u hirseedaan Soomaaliya.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Soomaaliya ay ka difaacayaan cadaw gudaha iyo mid dibadeed, sidoo kalena dhibaatada ka taagan dowladda dhexdeeda ay dalka u geeyneyso burbur.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA