WARARKA SOOMAALI

DAAWO:- Howlgal qorsheysan oo lagu qaaday Jidgooyooyin oo laga fuliyay Sh/Dhexe

Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka gaar ahaan guutada 4-aad qeybta 27-aad ayaa howlgalo ballaaran oo lagu qaadayey Jidgooyooyin ay burcad dhigtaan ka sameeyay wadada dhinaca xeebta marta ee isku xirta Muqdisho iyo degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu qaaday Isbaarooyin dhowr ah oo ay burcad hubeysan dhigteen deegaano iyo tuulooyin hoostega degmooyinka Warsheekh, Raaga-ceelle iyo Cadalle, xili wadada maristeeda ay dhibaato ku qabeen gaadiidleyda iyo shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) oo hoggaaminayey howlgalka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgal socday saddex maalmood lagu qaaday Isbaarooyin dhowr ah oo lagu dhibaateyn jiray shacabka iyo gaadiidleyda, isla markaana looga qaadi jiray lacago sharci darro ah.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in Isbaarooyin kusoo bateen deegaano hoostega degmooyinka Warsheekh, Raaga-ceelle iyo Cadalle, kuwaasi oo uu sheegay inay dhigtaan burcad hubeysan, wuxuuna xusay in aan la aqali karin dhibaateynta shacabka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:- Howlgal qorsheysan oo lagu qaaday Jidgooyooyin oo laga fuliyay Sh/Dhexe
To Top