WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Hirshabeelle oo War kasoo saartay Qaraxii ka dhacay Magaalada Jowhar

Taliska Ciidanka Booliska Maamulka Hirshabeelle ayaa faah faahio dheeraad ah ka bixiyey qarax xoogan oo barqanimadii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Booliska Jowhar ee Hirshabeelle Bashiir Xasan Xalfooy oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxa dhacay uu ahaa miino lagu dhex qariyey Qasac Koobo ah oo la dhigay Maqaayad ku taalla xaafadda kulmis ee Jowhar, taas oo shaah laga cabo.

Taliye Xalfooy ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ku geeriyooday Nabadoon lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Ciise Saleymaan Goosey, halka ay ku dhaawacmeen afar qof oo ay ku jiraan Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar Gaabow iyo Yuusuf Cabduqaadir Karaani.

Laamaha amniga ayuu Taliyaha Booliska Jowhar sheegay inay wadaan howlgalo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay falka dhacay, wuxuuna intaas kusii daray inay gacanta kusoo dhigi doonaan, isla markaana sharciga la horgeyn doono.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Hirshabeelle oo War kasoo saartay Qaraxii ka dhacay Magaalada Jowhar
To Top