Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir ku dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle Cabdiraxmaan Ibraahim Macow.
Guddoomiyaha hore ayaa la toogasho lagu dilay, xili uu kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii cishaha ee xalay, isla markaana waxaa uu u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, isagoona durbo goobta ku naf-waayay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa durbadii goobta uu falku ka dhacay gaaray, iyagoona halkaas ka qaaday Meydka Marxuum Cabdiraxmaan Ibraahim oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.
Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa muddooyinkii u dambeysay daganaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, kadib markii uu kasoo guuray Magaalada Baladweyne oo uu deganaa.