WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo fasaxay kuraas ay hakiyeen

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa shaaca ka qaaday inay dib u fasaxeen saddex oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo shalay hakiyeen, kadib cabasho looga soo gudbiyey kuraasta.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Axmed Safiina oo shir Jaraa’id saqdii dhexe ee xalay qabtay ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga uu dib u fasaxay kuraasta tirsigoodu kala yihiin Hpoe010, Hope 030 iyo Hpoe066 oo doorashadoodu  ka dhaceyso Magaalada Baladweyne.

Wuxuu sheegay Afhayeen Axmed Safiina  in markii hore kuraasta ay hakiyeen looga soo gudbiyey cabasho la xiriirta hannaanka loo maray kuraasta, balse markii dambe laga buuxa laga gaaray arrintaas, isla markaana Guddiga uu go’aansaday inay dib u fasaxaan.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa shalay hakiyey qabashada doorashada saddexda kursi ee Golaha Shacabka, xili Musharaxiinta u tartameysa kuraasta la siiyay shahaadada Musharaxtinimo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo fasaxay kuraas ay hakiyeen
To Top