WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad Cabdisalaan Axmed Liibaan ayaa magacaabay xubnaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, kadib markii Golaha Maanta yeesheen kulankii ugu horreeyay.

Guddoomiye Cabdisalaan Axmed ayaa Guddiga uu magacaabay ka kooban 10-xubnood oo laga soo dhex saaray Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwaasi oo ka shaqeyn doona qabashada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo maalmaha soo socda dhaceysa.

Guddigaan ayaa maalinta berri oo Axad ah Magaalada Muqdisho ku yeelan doona kulankooda ugu horreeya, iyagoona ka arrinsan doona howlaha loo idmaday ee ah doorashada Guddoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Villa Hargeysa, wuxuuna Ajendaha kulankaas ahaa dhaarinta Xildhibaano cusub iyo magacaabista Guddiga doorashada Guddoonka Golaha.

HALKAAN KA DAAWO GUUDIGA LA MAGACAABAY  

DAAWO:-Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo la magacaabay
To Top