WARARKA SOOMAALI

DAAWO:- Goobta lagu qabanayo Doorashada Guddoonka GSH oo la shaaciyey

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo maalmaha soo socda ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar oo Warbaahinta kula hadlay Villa Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in Maanta ay soo Idlaatay hadal-jeedinta Musharaxiinta u tartamaya doorashada Guddoomiyaha Shacabka iyo labadiisa ku-xigeenka.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Cabdirisaaq Cumar in doorashada Guddoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeenka lagu qaban doono Xarunta Teendhada Afisyooni ee Xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Sababta loogu qabanayo doorashada Teendhada ayuu Cabdirisaaq Cumar ku sheegay inay tahay sababo badan oo jira oo ay kamid yihiin Xarunta Viila Hargeysa oo aan qaadeynin dadka kasoo qeyb galaya doorashada iyo Arrimo kale oo la xiriira amniga.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:- Goobta lagu qabanayo Doorashada Guddoonka GSH oo la shaaciyey
To Top