WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Golaha Wasiirada oo Maanta ansixiyay Hannaanka Doorashooyinka

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hannaanka uu Goluhu meel mariyey ayaa koo kooban saddex qodob oo kala ah;

Qod.1aad

Dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

1-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay go’aamisay dhammeystirka iyo dhaqangelinta Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu ku heshiiyay Golaha Wadatashiga Qaranka 27 Maajo 2023 .

2-Waxaa la farayaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso in ay si degdeg ah uga hawlgalaan diyaarinta shuruucda loo baahan yahay ee lagu dhaqangelinayo heshiiska kor ku xusan.

3-Wixii wax-ka-beddel ah ee lagu sameynayo Dastuurka KMG ah waxaa loo soo diyaarinayaa si waafaqsan Cutubka 15aad ee Dastuurka KMG ah loona soo gudbinayaa Golaha Wasiirada J.F.S. si loo horgeeyo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Golaha Wasiirada oo Maanta ansixiyay Hannaanka Doorashooyinka
To Top