WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Go’aamo culus oo laga soo saaray Shirkii SSC ee Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shirweynihii maalmihii lasoo dhaafay magaaladaas uga socday Isimada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob, waxaana la caddeeyay in dadka deegaanada SSC aysan ka tirsaneyn Maamulka Somaliland, isla markaana aysan marnaba ogoleyn, kana qeyb qaadaneyn barnaamijka gooni-isu-taagga.

Shirka ayaa shaaca ka qaaday in deegaanka SSC-ee Khaatumo ay ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna  u taagan yihiin midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Ergada shirka maamul u samaynta SSC iyo Khaatumo ay doorteen 45 xubnood oo ka kooban 45 xubnood, kuwaasi maamuli doona arrimaha deegaanada SSC-Khaatumo.

HALKAAN KA DAAWO WAR-MURTIYEEDKA

DAAWO: Go’aamo culus oo laga soo saaray Shirkii SSC ee Laascaanood
To Top