WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Garaad Jaamac “Dagaalka hala galo oo ha la iska difaaco Somaliland”

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Maamulka Somaliland, kadib ciidanka maamulkaas ay maanta duullaan kusoo qaadeen magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Garaad Jaamac oo warbaahinta kula hadlaayay batamaha Laascaanood ayaa dadka deegaanka SSC oo ay ugu horreeyaan dhallinyarada ugu baaqay inay dagaalka ka dhanka ah Maamulka Somaliland galaan, isla markaana ay iska difaacaan duullaanka Somaliland.

Wuxuu intaas kusii daray Garaad Jaamac Garaad Cali inay si adag isaga difaaci doonaan maamulka uu hoggaamiy Muuse Biiixi oo uu sheegay inay doonayaan inay dhibaato lamid ah midii 15-sanno ee lasoo dhaafay ku hayeen dadka shacabka ee SSC.

Somaliland ayaa saaka aroornimadii weeraray magaalada Laascaanood, xilli la qorsheynayay shaacinta go’aano ay gaareen isimadda dhaqanka deegaannada SSC, kuwaas oo shir aayo-ka-tashi ah ku lahaa muddo ka badan todobaad magaaladaas.

Dagaalka ay soo qaadeen Somaliland ayaa waxaa looga qabsaday gaadiid nooca dagaalka ee cabdibilaha ah iyo hub, kuwaasi oo ay xoogagga hubeysan ee SSC ka furteen ciidankii Somaliland ee weerarka soo qaaday, dagaalka ayaan weli ka socda Laascaanood.

DAAWO: Garaad Jaamac “Dagaalka hala galo oo ha la iska difaaco Somaliland”
To Top