WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Ergayga MW JFS u qaabilsan Abaaraha oo shaaciyay xaalad halis oo jirta

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha ayaa warbaahinta la wadaagay xaaladda haslista ah ee abaaraha iyo arrimaha bani-aadannimada dalku marayo.

Ergeyga ayaa maalmihii ugu danbeeyay tan iyo markii la magacaabay ku howllanaa xog ururin iyo kulamo wada-tashi ah oo uu la yeelanayay hey’adaha kala duwan ee horay ugu lug lahaa arrimaha bani-aadamnimada, horumarinta iyo gurmadka abaaruha sida; Wasaaradaha dalka, hey’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya arimaha musiibooyinka iyo gargaarka, xafiiska Qarmada Midoobay ee Muqdisho, safaaradaha, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeeddada xog-ururinta horudhaca ah iyo kulamadaa ayaa ahayd in si hufan oo degdeg ah loola tacaalo saameynta abaaraha dalka oo iminka maraya xaalad laga naxo oo u baahan tallaabo deg deg ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda taagan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

 

DAAWO: Ergayga MW JFS u qaabilsan Abaaraha oo shaaciyay xaalad halis oo jirta
To Top