WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda Somalia oo xirtay Tarminaal ay Istimaali jireen AMISOM iyo QM


Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay Albaabada u laabtay Tarminaalka Garoonka Aadan Cadde ay kazoo degtaan Ajaanibta iyo shaqaallaha qaramada Midoobey  ka dib war kasoo baxay maamulka Garoonka.

Maareeye kuxigeenka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in la xiray illaa amar dambe Terminalka Movcon ee ay isticmaali jireen Qaramada Midoobey, AMISOM iyo Safaaradaha reer Galbeedka, kaddib warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale waxaa lagu amray inay wixii hadda ka dambeeyay dhammaan duulimaadyada imaanaya iyo kuwa baxaya inay isticmaalaan Terminaalada qeybaha gudaha, caalamiga iyo qeybta VIP-da.

Tilaabaddaan ayaa timid ka dib markii AMISOM ay diiday in halkaasi la geeyo ciidamo Boolis ah oo qeyb ka noqon doonnaa baaritaanada iyo hubinta waxa laga soo dejinaayo qeybtaasi.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO:-Dowladda Somalia oo xirtay Tarminaal ay Istimaali jireen AMISOM iyo QM
To Top