Magaalada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa Maanta lagu qabtay doorashada 7 kamid ah kuraasta ugu dambeeysa ee degaan doorashadoodu tahay Magaaladaasi Baraawe.
Maxamuud Axmed Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-045 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu heley 8-cod, waxaana halaabay Saddex cod.
Kursiga Hop#045 ayaa waxaa horay ugu fadhiyay oo tartanka laga reebay Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.
Maxamed Cabdalla Axmed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-145 ee xubinnimada Golaha Shacabka, isagoo helay codad gaaraya 76-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabdulaahi Ahmed Cabdi uu heley 12-cod, waxaana halaabay laba cod.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
