Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka hadlay munaasabad lagu doo xirayay Waqtiga Xajka oo lagu qabtay magaalada Makka ee dalka Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen shirkadihii fulin waayay adeegga xajka.
Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in Shirkadaha lacagaha laga soo celiyay ay qaabilsaneen Basaska lagu qaadayey xujayda Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in caqabaddu ay ka timid qoylaha laga soo kireeyay baabuurta.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Xukuummadda ayaa wuxuu intaasi ku daray in haatan dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen shirkadaha fulin waayay Adeegga Xajka, waxa uu u mahadceliyay Wasiirka dowladda Sacuudiga oo markii dambe gaadiid siisay Xujeyda Soomaaliyeed.
Sanadkaan ayaa waxa waajibaadka xajka soo gutay tiradii ugu badnad, taas oo gaaraysa 11,500 oo xujey Soomaali ah, kuwaas oo ka baxay gobollo kala duwan oo kamid ah dalka, waxaana qaarkood ay la kulmeen dhibaatooyin farabadan markii ay tageen Sacuudiga.