WARARKA SOOMAALI

Soomaalidii ugu horreeysay laga soo daad-gureeyay Suudan oo yimid Muqdisho

Waxaa Maanta magaalada Muqdisho kazoo degtay diyaaradii ugu horreeysay ee sida Muwaadniin Soomaaliyeed oo kazoo cararay dagaallada xooggan ee ka socda dalka Suugaan ee u dhexeeya Ciidanka Milateriga Suudaan iyo kuwa kazoo horjeeda.

Muwaadiniinta oo tirro ahaan gaarayay illaa 18 qof ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan cadde kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Ku simaha xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb, Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo Garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in diyaarad qaas ah oo ay leedaha dowladda Kenya looga soo qaaday Koofurta Suudaan.

Ku dhawaad 500 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa la filayaa in isla maanta ay kasoo dagaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaas oo dowladda Soomaaliya kasoo daadgureeyneyso dalka Suudaan oo ay ka dhaqan gashay xabbad joojin aan caga adag ku taagneyn.

Si kastaba,  Muwaadiniin Soomaali oo farabadan ayaa ku go’doodsan xadka u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya, waxaana Muwaadiniinta ay sheegeen inay xaalad adag ay ku heysato halkaas, iyaga oo dalbaday inay laga soo badbaadiyo Colaada Suudaan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Soomaalidii ugu horreeysay laga soo daad-gureeyay Suudan oo yimid Muqdisho
To Top