WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-DFS ka hadashay Qeylo-dhaan ka timid Gaadiileyda iyo Qorshe socda

Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan qorsheyneysa in Golaha Wasiirada Xukuumadda horgeyso xeerka maamulka Ganacsiga Batroolka dalka, sida uu shaaciyay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas.

Agaasime Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu marka hore sheegay in wixii ka dambeeyay muddadii dalka burburka ilaa iyo hadda ay Shildaalka dalka  gacanta ku hayaan Ganacsato Soomaaliyeed oo maamula, ayna sii qeybiyaan.

Agaasime Carabey ayaa tilmaamay in Shidaalka lagu iibiyo dalka Soomaaliya uu lamid yahay kan lagu iibiyo Caalamka, isla markaana Shidaalka xiligaan uu ku yimid sare u kac ballaaran, uuna isbedel ku yimid qiimihii lagu iibin jiray, taasina ay keentay inuu qaali noqdo.

Sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Batroolka Xukuumadda ayaa Carabka ku dhuftay in 20 L ee Shidaal la iibiyo 15 Dollar, isagoona caddeeyay in dalka uu yaalo Shidaal, hayeeshee qiimihii la jiibin jiray oo kaliya isbedelay, arrintaasna ay keentay hadal-heyn farabadan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-DFS ka hadashay Qeylo-dhaan ka timid Gaadiileyda iyo Qorshe socda
To Top