WARARKA SOOMAALI

DAAWO: DF oo Maanta ka digtay weeraro Al-shabaab ka geystaan Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Maanta ka digay weeraro kale oo dagaalamayaasha Al-shabaab ka geystaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo ka hadlaayay kulan duco ah oo ka qabsoomay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaab sheegteen in maalmo kahor beegsadeen Wasaaradda Waxbarashada, iyadoo la ogyahay inay xasuuqeen shacab aan waxba galabsan.

Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in Shabaab ay  ka careysan yihiin howlgalada uga socda Gobolada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Gobolo kale oo kamid ah dowlad Goboleedyada dalka, isla  markaana ay caadeysteen inay shacabka xasuuqaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa  shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna soo sheegaan cid kasta oo Al-shabaab ah ama la shaqeysa, si looga hortego inta aysan dhibaateeyn shacabka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA WASIIR FIQI

DAAWO: DF oo Maanta ka digtay weeraro Al-shabaab ka geystaan Muqdisho
To Top