WARARKA SOOMAALI

DAAWO: DF oo ka hadashay fadeexad kasoo gaartay Gabar u Ordeysay Somalia

Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Barre Fiidow ayaa ka hadlay fadeexada ka dhalatay gabar magaca Somalia ku meteshay tartan orod oo ka dhacay dalka Shiinaha.

Nasra Abuukar Cali oo ku tartameysay orodka 100ka mitir ayaa weji gabax iyo fadeexad u soo hoysay Somalia ka dib markii ay noqotay qofka u dambeeya isla markii uu bilowday orodka, iyadoo ku guuldareysatay iney wax la qeybsato orodyahanadii kale ee tartanka kula jiray.

Gabadhan ayaa u muuqatay ineysan u diyaarsaneyn ka qeyb galka tartan orod noocan ah marka la eego haweenka ay la tartameysay oo si weyn uga dheereeyey, waxaana ka muuqatay culeys ka dhashay miisaankeeda iyo xirfad la’aan.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradiisu aysan waxba kala socon qaabka loo soo xulay iyo sida ay ugu suuragashay iney ka qeyb gasho tartankan, isagoo xusay inuu aad uga xun yahay sida ay wax u dhaceen.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO: DF oo ka hadashay fadeexad kasoo gaartay Gabar u Ordeysay Somalia
To Top