WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Dowladda oo Amartay in la dumiyo Hotelka Xayaat oo laga saari la’yahay Al-shabaab

Ciidanka howlgalka ka waday hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho ayaa laga durkiyay dhismaha hotelka, kadib markii in ka badan 24 saac ay Al-shabaab ka dhex dagaalamayaan hotelka Xayaat.

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa Ciidanka dowladda ku amray inay dumiyaan hotelka oo laga saari la’yahay Al-shabaabkii weerarka xalay ku qaaday halkaas.

Goobaha ay kaga suganyihiin dhismaha dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa hadda u muuqda in la burburinayo. Dadweynahaa iyo warbaahinta ka dhaweyd dhisaha ayaa sidoo kale la siiyay amar ah inay ka fogaadaan.

Weerarka oo fiidkii hore ee xalay billowday ayaa xilligeeda kale ee habeenkii wali soconaya , taa oo taariikhda ka dhigaya mid ka mid ah howlgalladii ugu dheera ee Al-Shabaab ay ka geystaan Muqdisho.

Tirada dhimashada oo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa xilli walba waxaa dhismaha laga helaya dad geeriyooday, Illaa 30 qof ayaa la sheegay inay weerarka ku dhinteen in ka badan 60 qofna waa ay dhaawacmeen.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Dowladda oo Amartay in la dumiyo Hotelka Xayaat oo laga saari la’yahay Al-shabaab
To Top